Shir looga hadlayay horumarinta beeraha oo lagu soo gabagabeeyay Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir looga hadlayay horumarinta beeraha oo lagu soo gabagabeeyay Somaliland

Shir saddex maalmood soconayay oo loogaga hadlayay horumarinta beeraha iyo wax ka qabashada cabashooyinka beeraleyda ayaa lagu soo gebagabeeyay magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen aqoonyahannada ku xeelka dheer abuurka beeraha ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland, ayaa waxyaabaha la iskula soo qaaday waxaa ka mid ah in xal loo helo raashinka ay hay'adaha keenaan xilliyada ay soo go'aan dalaga beeraha si beeraleyda loogu qanciyo inay sare ugu qaadaan wax soo saarkooda.

Haddaba umuurtan ayaa waxaannu ka wareysannay Ibraahim Cumar Kaahin oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Somaliland, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.