Xaaladda dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee Jigjia
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee Jigjia

Dadka la nool xanuunka AIDS-ka ee ku nool deegaanada ay Soomaalidu degto ayaa la sheegayaa inay la kulmaan faquuq baahsan.

Dadka xanuunkan la noolse waxa ay ku doodayaan in cudurkan uu ku iman karo sababo badan oo ay ka mid tahay qadar Alle, dadkuna ay tahay inay fahmaan in xanuunkan lala noolaan karo.

Haddaba waxaa inoo suuragashay inaanu wareysanno Axmed Cabdulaahi oo degan magaalada Jigjiga xanuunkanna la nool, waxa uu inooga warramayaa sida uu xanuunkan ula noolyahay iyo in ay wax faquuq iyo takoor ah kala kulmaan Soomaalida kale, waxa uu u warramay weriye Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.