Koox dhalinyaro Soomaali ah oo fanka ku cusub oo bandhig faneed ku qabtay Minnesotta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Koox dhalinyaro ah oo fanka ku cusub ayaa bandhig faneed kusoo bandhigay Minnesotta

Koox dhalinyara ah oo fanka iyo Suugaanta ku cusub ayaa markii ugu horraysay waxa ay bandhig faneed ay kusoo bandhigayeen hibadooda iyo heesahooda ku qabteen gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka.

Kooxdan ayaa waxa ay ka kooban yihiin abwaanno, fanaaniin, majaajilaysteyaal iyo kuwo ku wanaagsan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Haddaba dhalinyarada soo bandhigayesa fanka ayaa xili ay ku jireen diyaargarowgooda masraxa waxa ay barnaamijkooda uga warrameen weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.