Madaxweynaha Liberia oo laga eryey xisbigeeda

Ellen Johnson Sirleaf waxay madaxweyne ahayd tan iyo 2006 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ellen Johnson Sirleaf waxay madaxweyne ahayd tan iyo 2006

Madaxweynaha xilka ka degaysa ee Liberia ayaa laga eryey xisbigeedi ay ka tirsanayd, ayadoo lagu eedeeyey inay ku guuldarraysatay inay taageerto in murashaxa xisbiga uu guulaysto.

Ellen Johnson Sirleaf waxaa lagu eedeeyey inay dadka ku dhiirri galinaysay inay ka codeeyaan ku xigeenkeedii Joseph Boakai.

George Weah oo ah xiddig Kubadda cagta ciyaari jiray ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday Disembar, isagoo ka adkaaday Boakai.

Ms Sirleaf oo ku guulaysatay abaalgudka nabadda ee Nobel, ahna gabadhii ugu horraysay ee Afrika ka noqota madaxweyne dumar ah oo la soo doortay, ayaan mar kale tartanka madaxtinimada u istaagi karin.

Afhayeen u hadlay xisbiga talada haya wuxuu sheegay in Ms Sirleaf ay ku xad gudubtay dastuurka xisbiga, bacdamaa la arkay ayadoo u ololaynaysa Mr Weah oo ku tartamayey magaca isbahaysiga isbeddelka dimoqraadiyadda.

Ms Sirleaf weli ma aysan hadlin.

George Weah dhamaadka bishan ayaa la caleemo saari doonaa. Waxay noqon doontoo markii ugu horraysay ee awoodda si hufan la isugu wareejiyo dalka Liberia tan iyo 1944, markaasoo ahayd markii dalkan ay aasaaseen addoon Maraykanku xoreeyey qarinigii 19aad.

Ms Sirleaf ayaa sumcad kaga heshay gudaha iyo dibadda gacantii ay ka gaysatay in ay dalka xasilooni ku soo celiso, ka dib sanooyin uu ku jiray dagaal ahli ah.

Mowduucyada la xiriira