Shirkii Dhuusamareeb oo dib loo dhigay

Dhuusamareeb Lahaanshaha sawirka SONNA

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay in uu kulamo la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale waxaa dib u dhac ku yimid shirkii mideynta dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, laguna dhaqangalinayay heshiis labada dhinac ay ku gaareen dalka Jabuuti.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in illo wareedyo muhiim ah ay u sheegeen in sababta shirka uu u baaqday ay tahay xubnihii beesha caalamka oo aanan magaalada tagin iyo odayaal ku sugan magaalada Cadaado oo ka biyo diiday qodobadii lagu heshiiyay Jabuuti.

Lahaanshaha sawirka SONNA

Maamulka Ahlu Sunnah ayaa banaanka ka joogay dowlad goboleedka Galmudug illaa waqtigii la dhisay sanado ka hor, waxayna samaysteen maamul u gaar ah, balse waanwaan muddo la waday ayaa lagu guuleystay in labada dhinac ay heshiis gaaraan, iskuna biiraan.

Heshiiska waxaa ka mid ah in magaalada Dhuusamareeb ay noqoto xarunta Galmudug, iyada oo madaxa Ahlu Sunnah uu noqonayo guddoomiyaha golaha wasiiradda.

Magaalada Cadaado ayaa xarun kumeelgaar ah u ahayd Galmudug tan iyo markii la asaasay maamulkaas.

Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Si wayn ayaa loo soo dhoweeyay madaxweynaha

Mowduucyada la xiriira