Tillerson: Ciidamada Mareykanka way sii joogayaan Suuriya

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2,000 oo ciidan ah. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2,000 oo ciidan ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto joogtaankeeda militari ee Suuriya ilaa laga adkaanayo kooxda la baxday dowladda Islamka,lana soo afjarayo dagaalka sokeeye.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Suuriya Rex Tillerson ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uusan doonayn in uu sameeyo "khald la mid ah kii la galay 2011,markaasi oo ciidamadii Mareykanka laga soo saaray Ciraaq.

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2,000 oo ciidan ah.

Mr Tillerson ayaa beeniyay in Mareykanka uu tababarayo xoogag Kurdiyiin ah oo xudduuda ilaaliya .

  1. Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Mareykanka iyo dagaalamayaasha Kurdiyiinta
  2. Turkiga oo dalbaday in Mareykanka badalo safiirkiisa Suuriya
  3. Turkiga iyo US oo "duulaan ku ah" Raqa

Turkiga ayaa Mareykanka ku eedeeyay in ay tababarayaan xoogaga Kurdiyiin ah oo ku sugan xudduuda Turkiga.

"Saraakiisha Mareykanka waxay ku hadleen hadalo is khilaafsan," waxaa sidaasi sheegay rai'sul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay "si khaldan u hadleen" markii ay sheegeen in Maraykanka uu dhisayo 30,000 oo ah ciidamo ilaaliya xuduuda wuqooyiga Suuriya.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mr Tillerson ayaa sheegay in Mareykanka ay doonayaan in ay xaqiijiyaan in kooxda IS aysan dib u soo laaban

Mr Tillerson ayaa sheegay in Mareykanka aysan dhisayn ciidamo cusub balse ay isku dayayaan in ay xaqiijiyaan ciidamada maxaliga ah ee jira ay awood u yeeshaan in ay IS ka difaacaan goobahii la xoreeyay.

Madaxawynaha Turkiga ayaa ku shabadeeyay xoogagan Mareykanka ay sheegeen in ay dhisayaan in ay yihiin "argagixiso".

Turkiga waxa ay sidoo kale ka digeen suurtagalnimada in ay weeraraan magaalada Afrin oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdiyiinta.

Dowladda madaxwayne Assad goo gacan ka helaysa Ruushka iyo Iiraan ayaa qayb ahaan ku guulaystay dagaalka balse wali gacanta kuma wada hayaan dhulka Suuriya oo dhan.

Mowduucyada la xiriira