Dad ku dhintay shil ka dhacay Turkiga

Ilaa hal malyan oo shil ayaa Turkiga ka dhacay 2016
Image caption Ilaa hal malyan oo shil ayaa Turkiga ka dhacay 2016

11 qof ayaa dhintay markii bas ay saarnaayeen qoysas ku jiray fasaxa iskuulka oo doonayey in ay ku soo qaataan meel baraf leh uu shil galay, mar uu marayey waddo weyn oo marta waqooyiga galbeed ee Turkiga, sida ay saraakiil sheegeen.

Waxay intaa kudareen in ilaa 46 qof ay ku dhaawacmeen.

Xalay ayuu basku ka soo baxay magaalada caasimadda ee Ankara, wuxuuna u socday magaalo loo dalsiix tago oo la yiraahdo Uludag, taasoo u dhow magaalada Bursa.

Wuxuu ku dhacay geedo ku yaalla gobolka Eskisehir, ayadoo xaaladda waddaduna ay wanaagsanayd.

Barasaabka gobolka Eskisehir, Ozdemir Cakacak, oo ay soo xiganaysay wakaaladda wararka Doagan ayaa sheegay inaysan caddayn sababta dhalisay shilka, iyadoo barafka waddada yallay uusan ahayn mid fariistay.

Wuxuu intaa ku daray in dadkii ku dhaawacmay lagu dawaynayo dhowr isbitaal oo kala duwan.

Weli lama oga in carruuri ku jirtay dadka dhiabaatadu ku dhacday.

Labada darawal oo dhaawac sahlan uu soo gaaray ayaa la xiray, waxaana la bilaabay baaritaan, sida ay wakaaladda Dogan sheegtay.

Turkiga ayaa leh taariikh liidata oo ah xagga dhanka bedqabka waddooyinka, ayadoo ay dheceen ilaa hal Malyan oo shil sannadkii 2016, ayna ku dhinteen 7,300 oo qof, sida uu dhigayo tirakoob laga soo xigtay saraakiil oo ay ku soo warrantay wakaaladda wararka AFP.

Mowduucyada la xiriira