Dadka Shabeellaha Hoose oo ka barakacaya guuxa "diyaarado dagaal"

Barakacayaasha cusub

Boqolaal qoys oo ka baxsanaya colaadaha iyo abaaraha ka jira gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gaaray xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala daafaha caasimadda Muqdisho dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay.

Qoysaskan oo aan wadan wax hantiya ayaa ku biiriya boqolaalka kun oo qof oo ku jira xerayaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Dadkii horay ugu noolaa xeryahaas iyo kuwa hadda ku biiray waxay wajahayaan cunto yari, hoyga oo aan wanaagsanayn iyo cafimaad daro.

Maxay tahay dhibaatada?

Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu ka mid ah gobolada ugu qanisan Soomaaliya wuxuuna leeyahay dhul beereed iyo xoolo.

Balse dadkiisu waxay wajahayaan gaajo iyo colaad aanay garanayn waqtiga ay dhamaanayaan.

"Naftu waa qaali ee ma og tahay," ayey tiri mid ka mid ah dadka ka baracakay colaadda gobolka Shabeellada hoose oo la hadashay BBC Somali.

"Haddii caawa lagu guulguulo (lagu handado) oo habeen dambe meel agagaarkaaga ah wax lagu sheego, waa in aad ka dhaqaaqdaa oo ka fogaataa; ma ogtahay?" ayey hadalkeeda ku dartay, Xaawo Sheekh Maxamad Nuur.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay abaarta iyo colaadda is biirsaday waxay sababeen in qoyasas horleh ay nolol ka raadiyaan xeryo qoxooti oo nolosha ka jirto ay markii horeba adkayd.

Image caption Dadkan waxay weli sugayaa in ay helaan kaalmo degdeg ah

Dagaalka wuxuu u dhaxeeyaa ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Al-Shabaab.

Waxaa dagaalka dhulka sii dheer duqeyn dhanka hawada ah oo Maraykanka uu ku hayo saldhigyada Al-Shabaab ee gobolka.

Waxaa waxay qeyb sii holceysa ka noqotay colaadaha sokeeye ee dhexmaraya beelaha deegaanka kuwada nool ayaa waxay quus gelisay qoysaskii rajada ka lahaa in ay dhulkooda ku noolaadaan oo ay ka shaqaystaan.

Abaarta ayaa ah musiibo kale oo dadka deegaanka u diiday in ay ka sii shaqaystaan dhulkooda. Wobiga Shabelle ayaa sidoo kale engegay taas oo sababtay in wax la beeran waayo, xoolahana ay le'daan.

"(Xannuunka) Nafta baan dareennay, biyo yarina way na qabsatay," ayey tiri haweeneyda ka qaxday gobolka.

Guuxa diyaaradaha

Xaawo Sheekh Maxamad Nuur ayaa sheegtay in diyaaradaha ay sabab u noqdeen in ay ka soo cararaan guryahooda.

Guuxa "Diyaaradaha ma maqlin miyaa idinka? oo waxkasta duqeynaya, ma maqlin miyaa idinka?" ayey tiri Xaawo oo la yaab uu ka muuqday.

"Dhibkaas baa na qabsaday anaga; dadka dhaqso ka soo qaxay ee xilli hore imaaday magaalada waa anaga. Dhib wayn baa jiro oo dhegeheena aan ku maqalnay".

"Iyagoo dariishadaha saaran oo tuuteysan ayaa albaadada laga arkaayaa. Dadka guryaha kama soo baxaan xitaa haddii musqul ay u baahan yihiin," ayey tiri.

Abaarta iyo biyo la'aan ayaa usii dheer colaaddaasi sida ay sheegeyso Xaawo Sheekh Maxamad Nuur oo hadda ku nool xero ku taalla Muqdisho.

Balse abaarta kumaysan qasbin in ay guryahooda ka qaxaan, colaadda iyo "guuxa diyaaradaha ayaa sabab u ah in ay barakacaan", sida ay u sheegtay BBC Somali.

"Waxaa nafta nookeenay diyaaradda oo guuxeeda markii aad maqasho waxaad isdheheysaa duufaan maa jirto mise waa iyada. Qeylideeda ayey dadka oo dhan la jareynayaan".

Dadka barakacay

Qoysaska cusub ee yimid waxay u badan yihiin haween, caruur iyo waayeel ay ka muuqato diifta iyo raadadka uu ku reebay safarkii dheerii ee ay soo galeen iyo gaajada haysa.

"Ilmihii sidii xoolo ay u foofiyeen illaa iyo hadda waan sugeynaaa", ayey tiri Faadumo Ibraahim oo sheegtay in baqdinta iyo culeyska ay ku hayeen diyaaradaha dagaalka ee habeen iyo maalin dul heehaabaya tuuladii ay ku nooleyd iyo cabsida ay ka qaadeen duqeynta ay gaystaan.

"Halkii canug ee gacanta aan ku hayay baan la soo cararay, kuwii kale illaa iyo hadda waan sugeynaa; dhibkaas baan halkan na keenay," ayey tiri Faadumo.

Inkastoo qoysaska cusub ee barakacayaasha ah aanay helin wax gurmad ah haddana xeryaha ay ku soo dageen qoysaskii ugu soo horeeyay ayaa ku caawinaya waxa ay haystaan.

Dadka nugul ee aan socon karin ayay uga soo tageen goobihii ay ka soo barakeceen waxayna filayaan in ay iyaguna gaaraan xeryaha barakacayaasha, sida uu sheegay Cusmaan Xuseen oo soo qaxay.

"Odayaal, ilmo iyo ayeeyooyin baan jidadka uga soo tagnay markii ay socon waayeen. Weli way soo socdaan oo hadda meel dhow baa lagu sheegay," ayuu yiri.

Tirada dadka la barakiciyay oo sare u kacday

Qaramada midoobay ayaa toddobaadkan sheegtay in 6.2 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bini'aadanimo.

Tiradaasi waxay u dhigantaa kala bar shacabka Soomaaliya, sida warbixinta lagu xusay.

Sidoo kale 3.1 milyan oo kamid ah dadkaasi waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Tirada dadka gudaha ku barakacay ayaa hadda la qiyaasayaa in ay kor u dhaaftay labo milyan oo qof.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan