Qoys saddex bilood ku xayirnaa garoonka Bangkok oo dhoofay

Waxa ay diideen in Zimbabwe ay dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qabay in la dhibaateeyo Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Waxa ay diideen in Zimbabwe ay dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qabay in la dhibaateeyo

Hadddii aad ka caban jirtay in laguugu qasbay in garoonka diyaaradaha aad seexato ka dib duulimaaadka oo dib u dhacay, bal ka waran qoys uu hoy u ahaa garoon diyaaradeed muddo 3 bilood ah?

Qoys ka soo jeeda dalka Zimbabwe ayaa imika ka dhoofay garoon ku yaalla Bangkok halkaasi oo ay ku noolaayeen muddo saddex bilood ah.

Qoyskan oo ka kooban 4 caruur ah oo da'dooda ka yartahay 11 jir iyo afar qof oo waawayn ayaa yimid magaaladda Bangkok bishii May ee sanadkii aanu soo dhaafnay.

Markii ay isku dayeen in ay ka dhoofaan oo ay aadaan Spain bishii October, ayaa waxay ogaadeen in aysan haysan dal ku gal sax oo ay ugu dhoofaan dalka Spain.

Sharciyan dib uguma aysan laaban Karin Thailand maadaama uu ka dhamaaday waqtigii dal ku galkii ay ku joogeen islamarkana ay tahay in lacag ganaax ah ay bixiyaan.

  1. Qoys saddex bilood ku xayiran garoonka diyaaradaha Bangkok
  2. Nin lagu xukumay 13,275 sano oo xabsi ah
  3. "Maalinta Furriinka" oo ay kala tagaan lamaanayaasha ugu badan

Waxa ay diideen in Zimbabwe ay dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qabay in la dhibaateeyo

Waxaa sheekadooda la maqlay ka dib markii qof sheegay in uu ka shaqeeyo garoonka uu Facebook geliyay sawir muujinaya isagoo hadiyad siinaya qoyskan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waxay qoyskan imika ak duuleen garoonka Bangkok

Farriinta oo hadda la tirtiray, Kanaruj Artt Pornsopit, wuxuu ku sheegay in qoyska ay eelaboorka ku noolaayeen ku dhowaad seddax bilood "sababo la xiriira xasillooni darrada dalkooda ka jirta".

"Waxaan dhammaan idiin rajeynayaan in dalkiina macaan si degdeg ah ugu noqotaan", ayuu yiri.

Haddaba dhibaatada qoyskani ku noolaa garoonka Bangkok muddo saddex bilood ah ayaa imika la soo afjaray.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay waaxda socdaalka Thailand qoyskani ayaa ugu dambayntii garoonka ka dhoofay galinkii dambe ee isniinta.

Pol Col Cherngron Rimphadee ayaa u sheegay BBC laanta afka Thai in qoyskaasi ay u kicitimeen dalka Philippine.

Waxaa halkaasi ku yaalla xero qaxooti oo ay maamusho UNHCR , balse ma cadda in qoyskaasi ay halkaasi ku ekaan doonaan iyo in kale .

Mowduucyada la xiriira