Weerar lagu qaaday xarunta Save The Children ee Afghanistaan

Qof waday gaari ayaa isku qarxiyay illinka laga galo dhismaha haysadda Badbaadada Dhallaanka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qof waday gaari ayaa isku qarxiyay illinka laga galo dhismaha haysadda Badbaadada Dhallaanka

Illaa 11 qof ayaa ku dhaawacantay weerar la sheegay in uu wali ka socdo gudaha xarunta Save The Children ee dalka Afghanistaan.

Qarax ayaa ka dhacay xafiiska hay'adda ee magaalada Jalalabad ee Afghanistaan, kadibna rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa tabinaysa in carruur ay kasii kala cararaysay iskuul u dhow xarunta.

Lama oga cidda weerarka geysatay, balse inta badan waxaa magaaladan weerar ku qaada kooxda Taliban, wuxuuna weerarkan imanaya xili shalay Taliban ay weerar ku qaadeen hotel casri ah oo ku yaala magaalada Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 22 qof.

Ragga gudaha ku jira ayaa waxa uu dagaal dhexmarayaa illaalada hay'adda iyo ciidammada amniga.

Mowduucyada la xiriira