Dad lagu laayay qaraxyo ka dhacay magaalada Benghazi

Libya Lahaanshaha sawirka Reuters

Weerarro ismiidaamin ah oo loo adeegsaday labo baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ku qarxay meel u dhow masaajid ku yaalla magaalada Benghazi ee dalka Liibiya.

Qaraxyadani ayaa waxaa ku dhintey ilaa 27 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale.

Muuqaal laga duubay goobtii ay qaarxyadani ka dhacdee ayaa muujinayay dad badan oo dawaqsan, iyo kuwa kale oo meydadkooda ah si hal haleel ah loogu daadgureynayo gawaariday booliiska.

ilaa hadda ma jirta cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi balse afhayeen u hadlay dowladda ka dhisan bariga dalkaasi ayaa ku eedeeyay kooxda la baxday dowladda Islaamka.

Magaalada Benghazi ayaa waxaa in muddo ahba ku dagaalamayay ciidamada qaran ee dalka Liibiya iyo mintidiin islaami ah.