Sidee looga baxsan karaa libaax ama harmacad?

. Lahaanshaha sawirka A WILSON, RVC

Deerada marnaba kama orod dheereyn karto haramacadka, balse waa ay ka badbaadi kartaa haddii ay xeelad u isticmaasho.

Daraasad cusub oo lagu sameeyay sida dameer farowga iyo deerada ay uga baxsadaan dugaaga ayaa lagu eegey xawaaraha ugaadha iyo xayawaanka kale ee ugaarsada.

Waxaa lagu ogaaday in libaaxa iyo haramacadka aanan marnaba laga orod badin karin, noolihii ay eryoodaane ay markiiba soo qaban karaan, balse ay jiraan xirfado looga baxsan karo.

La kala badi, orodna ma ahan

Lahaanshaha sawirka A WILSON, RVC

„Haddii ay ugaadha isku daydo in ay xoog uga cararto bahalka, waa go'aan aad u qaldan, sababtoo ah kama baxsan karto, balse waxaa jira xirfad ah in ay tartiib u orodo, marka la qaban rabana ay durba leexato" ayuu yiri Alan Wilson oo ka tirsan mac-hadka xanaanada xoolaha ee UK.

Waxyaabaha kale oo la ogaaday waxaa ka mid ah dugaaga uu ka murqo adagyahay xayawaanka kale ee ay ugaarsadaan, kana orod badanyihiin.

Waxaa la sheegay in xayawaanka la ugaarsanayo uu isaga go'aan ka gaari ah xawaaraha orodka iyo marka ay tahay in la jiiroodo.

Mukulaalaha Waaweyn

Lahaanshaha sawirka A WILSON, RVC
Image caption Prof Alan Wilson ayaa daraasadan ku sameeyay dalka Namibia

Filim laga sameeyay daraasadan ayaa laga baahin doonaa Barnaamijka Mukulaalaha Waaweyn ee BBC One maanta oo khamiis ah.

Haramacadka ayuu xawaarihiisa dhanyahay 100km/h saacadiiba, iyada oo libaaxa iyo haramacadkuba boqolkiiba 20% ay murqo adagyihiin xayawaanka ay ugaarsadaan, 37% ay ka karaar qaadasho badanyihiin.

Saddex meelood meel ka mid ah ayay ku guuleystaan ugaarsigooda iyaga oo isticmaalaya gaadmada iyo xawaaraha.

Waxaa kale oo la ogaaday in libaaxa iyo haramacadka ay guushoodu badantahay haddii ay xawaarahooda orodka hoos u dhigaan.

Haddii dugaaga ay markasta ku guuleysan lahaayeen ugaarsigooda, waxaa la sheegay in waqtiga uu ka dhamaan lahaa waxay cunaanba.

Mowduucyada la xiriira