Britain oo Ruushka ku eedeeysay in uu dhaawacayo kaabayaasha dhaqaalaha UK

Gavin Williamson Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gavin Williamson

Ruushka ayaa sababi kara geerida "Kumannaan iyo kumannaan qof " iyaga oo curyaaminaya kaabayaasha dhaqalaha UK, waxaa sidaasi ka digay xoghayaha gaashaandhiga Britain.

Gavin Williamson ayaa u sheegay wargayska Daily Telegraph in xukuumadda Moscow ay basaasayso kaydka tamarta oo haddii la jaro dalka ka dhalinkarta"Jahwareer guud ".

Waxa uu sheegay in waxa uu ka hadlayo ay tahay "Khatar dhab ah oo jirta" oo ay UK wajahayso.

Madaxa ciidamada Britain Sir Nick Carter, ayaa dhankiisa ka digay in UK ay la daalaa dhacayso xakamaynta awoodaha Ruushka.

  1. Britain oo eedeysay Sacuudiga
  2. Sawirrada weerarka baarlamaanka ee Britain
  3. Hal milyan qof oo saxiixday dalab Trump looga joojinayo inuu booqdo Britain

UK waxa ay biyaha hoostooda ku leedahay afar xarig oo ah korantada qaarada iyo afar kale oo wadanka u soo jiida quwadda tamarta.

Mr Williamson, oo xilka xoghayaha gaashaandhiga Britain la wareegay bishii November, ayaa sheegay in Ruushka ay raadinayeen xargahaasi oo kale ayna doonayaan in ay tillaabo qaadaan "waxa uuna dal waliba u arkaa taasi mid aan la aqbali Karin ". ayuu yiri

"Waxa ay ka fikirayaan, 'sidee ayaan xanuun badan ugu gaysan karnaa Britain? ayuu intaa ku daray Mr Williamson.

Mowduucyada la xiriira