Trump oo ku baaqay in tillaabo adag laga qaado Taliban

Madaxwayne Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxwayne Trump

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay shalay caasimada Afqanistan ee Kabul, kaasi oo ay dad badan ku dhinteen.

Bayaan uu soo saaray ayuu Mr Trump dhammaan wadamada caalamka waxa uu ugu baaqay in ay tillaabo adag ay qaadaan kooxda Taliban ka dib waxa uu ugu yeeray weerarkii foosha xumaa ee Kabul ka dhacay.

Weerarka Kabul oo loo adeegsaday gaari ah nooca gurmad degdega ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa ku dhintay 95.

Dowladda Afghanistan ayaa ku eedeeysay dalka ay dariska yihiin ee Pakistan in ay taageero siiyaan mintidiintii gaystay weerar ka dhacay magaalada Kabul.

  1. Kabul oo xaallad cakiran ka taagan tahay
  2. Afganistan oo ku eedeysay Pakistan inay gacansiiso maleeshiyaadka Daliban
  3. Hoogamiyaha IS ee Afghanistan oo la dilay

Waxa ay sheegtay dowladda Aqanistan in weerarkii shalay ka dhacay halkaasi ay fuliyeen kooxda xiriirka la leh Taliban ee Haqqani.

Xukuumadda Islamabad ayaa marar badan horey u beenisay in ay taageerto mintidiin Afqanistan.

Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyada weerarka shalay ak dhacay caasimadda Afqanistaan ee kabul.

Mowduucyada la xiriira