Madaxa CIA: Shiinaha ayaa uga halis badan Maraykanka Ruushka

CIA Director Mike Pompeo Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mike Pompeo, director of the CIA, says he's worried about Chinese subversion

Dadaalka Shiinaha ee ah in galangal uu ku yeesho arrima reer Galbeedka ayaa ah mid walaac badan midda Ruushka, waxaa sidaasi sheegay agaasimaha CIA.

Mike Pompeo ayaa u sheegay BBC in Shiinaha "ay kaga raad iyo galangal badan yihiin Ruushka arrimahani.

Waxa uu tusaala u soo qaatay isku daygii ay Shiinaha isku dayeen in ay xadaan macluumaadka ganacsiga iyo in ay galangal ku yeeshaan iskuulada iyo Isbataalada islamarkana ay arrintaasi ku baahday Yurub iyo UK.

Mr Pompeo ayaa ka hor inta uusan noqon madaxa CIA waxa uu ahaa xubin congreska ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Waxa uu sidoo kale sheegay waraysiga uu BBC siiyay Mr Pompeo in ay tahay wax uu filayo in Ruushka ay isku dayaan in ay faragaliyaan doorashooyiinkii is reebreebka ahaa ee bisha November ee 2018.

Waxa uu intaa ku daray in aysan hoos u dhicin isku dayga Ruushka ee ku aadan in ay minjoxaabiyaan Yurub iyo Mareykanka.

Dadaalada diirada la saaray

"Waxaad ka fikirtaa baaxadda labada dhaqaale ee Ruushka iyo Shiinaha," ayuu yiri Mr Pompeo.

"Shiinaha ayaa aad uga wayn ,waxa ayna shiinaha leeyihiin galaagal ka wayn midka Ruuska oo ay howlahooda ku fushan karaan."ayuu yiri.

Madaxa CIA Mareykana ayaa BBC u sheegay in wadamada ay si wadajir ah ay wax u qabanayaan si loola dagaalamo dadaalka Shiinaha ay ku doonayaan in ay galangal ugu yeeshaan awoodaha reer galbeedka.

"Indhaha kama dawan karno dadaal lagu doonayo in lagu xado mcluumaadka Mareykanka iyada oo la adeegsanayo sirdoonka," ayuu yiri madaxa CIA Mreykanka.

Mowduucyada la xiriira