Dagaal xooggan oo ka socda magaalada Cadan ee dalka Yaman

Dagaalka ayaa sii xoogaysanayay maalmihii ugu dambeeyay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalka ayaa sii xoogaysanayay maalmihii ugu dambeeyay

Dagaal u dhaxeeya ciidamo daacad u ah madaxawynaha Yaman iyo kooxda gooni u goosadka koonfurta ayaa ka socda magaaladda Cadan.

Labada dhinac ayaa waxay isu adeegsadeen Taangiyo iyo hubka culus.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa horrey u sheegtay in goobtaasi ay xasiloonida dib ugu soo laabatay waxa ayna shacabka ugu baqeen in ay howlahooda caadiga ah ay iska sii wataan.

Maalintii Axadda kooxdan gooni u gosadka oo doonaysa madaxbanaani ay helaan dadka Koonfurta Yaman ayaa waxay la wareegeen dhismooyiin ay dowladda leedahay.

Rai'sul wasaaraha Yaman ayaa ku tilmaamay arrintan isku day afgembi.

  1. UN: Yaman waxay la silci doontaa macluul sanadkan 2017-ka
  2. Cali Cabdalla Saalax oo "lagu dilay" dagaal ka dhacay Yaman
  3. Qaramada Midoobey oo khubaro u saareyso tacaddiyada Yaman

Dagaalkan ayaa la sheegay in ilaa iyo imika ay ku dhinteen 21 qof.

Dowladda Yaman ayaa tan iyo 2015 waxaa saldhig u ahayd magaaladda Cadan, ka dib markii madaxwayne Abdrabbuh Mansour Hadi iyo golihiisa wasiirada ay ka soo saareen magaalada Sanca kooxda Xuutiyiinta.

Qabsashada magaaladaasi ee Xuutiyiinta ayaa waxa ka dhashay duulaan ay Sacuudiga hogaaminayaan oo ka dhan ah kooxdaasi.

Tan iyo xilligaasi waxaa dalka Yaman ku dhintay 9,245 qof waxaana ku barakacay 3 milyan oo qof sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Mowduucyada la xiriira