Gooni u goosadka Yemen oo dalbaday in la kala diro wasiirada dalkaasi.

Dagaalyahanada gooni u goosadka Yemen Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dagaalyahanada gooni u goosadka Yemen

Qolyaha gooni u goosadka koonfurta dalka Yemen oo ay taageerto dowladda Imaraatka ayaa lagu soo warramayaa inay la waregeen gacan ku heynta inta badan magaalada dekedda ee Cadan oo xarun u aheyd dowladda caalamka uu aqoonsayahay ee madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.

Dagaalyahanadan ayaa la wareegay goobo ku hareeresan aqalka madaxtooyada, inkastoo aysan gudaha u gelin dhismaha.

Kooxdan ayaa dooneysa in dowladda madaxweyne Abdrabbuh Mansour ay wadahadl la furto, waxana ay dalbanayaan in madaxweynaha Yemen uu kala diro golaha wasiirada oo ay ku eedeyeen musuqmaasuq.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha uu ku maqanyahay dalka Sacuudiga oo si weyn u taageerto dowladdiisa.

Waqooyiga dalka Yemen ayaa sidoo kale waxaa gacanta ku hayay Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya dowladda Iran.