Qaxooti Yemen ah oo soo gaaray deegaanada Puntland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti Yemen ah oo soo gaaray deegaanada Puntland

Deegaanada Puntland waxaa wali soo gaaraya dad qaxooti ah oo ka soo cararay collaadda ka taagan dalka Yaman.

Dadkaasi ayaa intooda badan ka soo barakacay dagaaladii dhacayay labadii bilood ee la soo dhaafay, waxaana tan iyo billowgii bishii Diseembar ee saandkii hore soo gaaray deegaanada Puntland ku dhawaad Kun qof oo u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo u badan carruur iyo haween.

Waxaana dib u dejinta dadkan ku hawlan wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland.

Haddabo weriye Axmed Cawil ayaa arrintan ka wareystay agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland Maxamed Cali Nuur (Juba).