Maxkamad cafisay nin indhaha la' oo gabadh yar kufsaday

Benjamin Lahaanshaha sawirka MURRAY COUNTY

Maxkamad ku taala gobolka Oklahoma ayaa mudadii xabsiga ka cafisay nin la sheegay in uu indhaha la'yahay, balse kufsi u geystay gabadh yar oo 13 jir ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Benjamin Lawrence Petty oo 36 jir ah ayaa qirtay in uu kufsiga geystay.

Garyaqaan u hadlay qoyska gabadha ayaa sheegay in ay aqbaleen xukunka maxkamadda.

Falka waxa uu ka dhacay goob ay kaniisad leedahay oo dadka yaryar ay tagaan xiliga xagaa baxa, kuna taala gobolka Texas, sanadkii 2016-kii. Xagaa kasta waxaa halkan soo booqda wax ka badan 50,000 qof.

Ninkan ayaa lagu xukumay 15 sano xarig ah oo balse shuruud ku xirantahay, taas oo ah haddii uu dambi kale galo in xukunkan uu toos u dhaqangalayo, nidaamkan oo loo yaqaano 'suspended sentence'.

Balse ururada u dooda xuquuqda dumarka iyo dadka dhibenayaasha u ah falalka galmada ayaa dhaleeceeyay go'aanka maxkamadda.

Mowduucyada la xiriira