Nibiri dadka ka daba dhihi kara erayada sida 'hello'

Nibiriga ayaa ka mid ah xayawaanada ku nool badda islamarkana halista ah Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Nibiriga ayaa ka mid ah xayawaanada ku nool badda islamarkana halista ah

Nibirigani dilaaaga ah ayaa qaban kara ama ku dhawaaqi kara erayada sida "hello" iyo"bye bye".

Waxaa la rumaysan yahay in uu Nibirigani yahay kii ugu horeeyay ee hadalka bina'aadama ka daba dhihi kara ama erayada qaar qaban kara.

Nibirigan oo ah mid Dhiddig ah ayaa ku hadli kara dhowr xaraf oo uu baray tababare ku sugan dalka Faransiiska.

Waxyaabaha uu Nimirigani ku celceliyo ee uu qabto waxaa ka mid ah sida magaca "Amy" iyo lambarada"Hal, Labo,iyo saddex ".

Nibiriga ayaa ka mid ah xayawaano tiro yar oo baran kara dhawaqa erayada marka ay maqlaan kuna celin kara.

"Waa mid nadir ah marka la eego xayawaanada naasleyda ah," ayuu yiri Dr Josep Call oo ka tirsan jaamacadda St Andrews, islamarkana ah cilmibaare.

"Bina'aadamku waa mid uu ku fiican yahay ,balse waxa xiisaha leh ayaa ah in naasleyda sida wanaagsan ugu dhawaaqi kara ay yihiin kuwa badda ku jira."ayuu intaa ku daray.

  1. Waa kuwee xayawaanka adduunka ugu dhufashada kulul?
  2. Sawirradii ugu cajiibsanaa ee duurjoogta laga qaaday sanadka 2017-ka
  3. 'Qiimaha hilibka' dameeraha Kenya oo sare u kacay

Cilmibaarayaashani ayaa doonaya in ay ogaadaan in Nibirigani dilaaga ah uu baran karo erayo cusub isaga oo dadka ka daba dhahaya erayadaasi.

Nibirigani dhidigga ah ayaa lagu magacaabaa Wikie waxana lagu xanaaneeyaa ugoob ka tirsan Aquarium Antibes, oo Faransiiska ka tirsan.

Waxaa la baray in dadka uu ka daba dhaho erayada ,waana la duubay islamarkana waxaa laga dhex maqlayaa erayada sida hello iyo Amy,.

Dr Jose Abramson, oo ka tirsan jaamacadda Complutense oo ku taalla magaalada Madrid ee Spain, kana mid ah cilmibaarayaasha ayaa sheegay in"gundhiga wada shaykaysi lala yeesho Nibirigani lagu magacaabo Wikie maalin uun ay suuragal noqon doonto.

Mowduucyada la xiriira