Tahriibayaal ku qaraqmay xeebaha Liibiya

Muhaajiriintan ayaa la socday doon ku sii jeeday Taliyaaniga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muhaajiriintan ayaa la socday doon ku sii jeeday Taliyaaniga

90 muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay badda ku qaraqmeen ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya, waxaa sidaasi sheegtay hay'ada socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Saddex ka mid ah dadkii ka badbaaday doontaasi ayaa sheegay in inta badan dadka doonta ku qaraqmay ay ahaayeen dad u dhashay dalka Pakistaan.

Liibya ayaa muddo sanado ah marin u ahayd tahriibayaasha doonaya in ay gaaraan bariga Yurub iyaga sii maraya Badda.

Balse sanaddii aanu soo dhaafnay ayaa waxa ay dalalka Yurub heshiis muran dhaliyay la galeen ilaalada xeebaha Liibiya si ay gacan uga gaystaan joojinta qulqulka muhaajiriinta doonaya in ay Taliyaaniga gaaraan.

  1. Shaqaale QM oo lagu weerarray Liibiya
  2. "Cadaabtii ifka": Xabsi Liibiya ku yaal oo tahriibeyaal lagu hayo
  3. Muhaajiriinta Afrikaanka ah waxaa lagu 'iibiyaa suuqyada addoonsiga'

Hay'adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dowladaha Yurub in qaab aan bina'aadanimo ahayn ay u wajaheen arrintan.

Hay'adda Amnesty ayaa sheegtay in dowladaha Yurub ay ku lug yeesheen jirdil loo gaysto muhaajiriinta.

"Maydadka Tobon qof ayaa la sheegay in xeebaha liibiya ay ku soo caariyeen," waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay'adda socdaalka aduunka ee (IOM).

Afhayeen u hadlay ha'adda ayaa sheegay in Pakistaniyiinta isku dayaya in ay Taliyaaniga gaaraan ay sii kordhayeen.

Dadka dhintay iyo kuwa badbaaday ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah dad Liibiyaan ah, sida ay ku warantay wariyaha BBC ee Wuqooyiga Afrika Rana Jawad.

Mowduucyada la xiriira