90 muhaajiriin ah oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen xeebaha Liibiya

Midowga Yurub ayaa doonaya inuu ku yareeyo tirada tahriibayaasha heshiis uu la galay ilaalada badda Liibiya oo si xun loo dhaliilay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Midowga Yurub ayaa doonaya inuu ku yareeyo tirada tahriibayaasha heshiis uu la galay ilaalada badda Liibiya oo si xun loo dhaliilay

Muhaajiriin badan ayaa laga cabsi qabaan inay ku qaraqmeen badda kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha Liibiya, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga ee Qaramadda Midoobay.

Inta badan dadka ka badbaaday doonta donta qalibantay ayaa la sheegayaa iinay yihiin dad u dhashay waddanka Pakistan. Sidoo kalena waxaa doonta saarnaa dad u dhashay dalka Liibiya oo ay collaadi ka taagan tahay.

Liibiya ayaa sannado badan ahayd marinka ugu weyn ee ay maraan qaxootiga tahriibaya ee isku dayaya inay ku gaaraan safar badda ah dalalka ku yaalla bariga Yurub.

Image caption Qaxooti badan oo isku dayaya inay gaaraan Yurub ayaa ku jira xabsiyada Liibiya

Dalalka Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la yareeyo tirada qaxootiga ee soo gaaraya dalalkooda iyo in go'aan laga gaaro dalalka mas'uulka ka ah fududeynta muhaajiriinta soo galaya dalkooda.

Midowga Yurub ayaa heshiis la galay ilaalada xeebaha Liibiya sanadkii lasoo dhaafay si ay gacan uga geystaan joojinta qaxootiga iyo inay dib ugu celiyaan dalka Liibiya.