Madaxa maxkamadda ka hortagta musuq maasuqa Nigeria oo laaluush lagu eedeeyay

Waa nuqul ka mid ah lacagta waddanka Nigeria ee la sheego in musuqa loo adeegsado Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waa nuqul ka mid ah lacagta waddanka Nigeria ee la sheego in musuqa loo adeegsado

Madaxa maxkamadda Nigeria u qaabilsan ka hortagga musuq maasuqa, Danladi Umar, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu laaluush qaatay.

Guddiga Nigeria u qaabilsan la dagaalanka dhaqaalaha sida aan sharciga aheyn lagu helo, ilaaliyana dambiyada dhaqaalaha la xiriira, ayaa waxa uu garsooraha ku eedeeyay inuu kumannaan kun oo doolar ka dalbaday qof looga shakisan yahay inuu musuq maasuq sameeyay.

Markan ma ahan markii ugu horreysay ee uu Mr Umar lagu eedeeyo inuu laaluush qaatay.

Shakiga laga qabo daacadnimadiisa ayaa waxa uu soo shaacbaxay markii gudoomiyaha Senate-ka Nigeria - oo ah siyaasiga saddexaad ee ugu awoodda badan waddankaasi - la caddeeyay sanadkii la soo dhaafay inuusan musuq maasuq ku lug lahayn.

Ilaa iyo haatan ma uu jiro wax war ah oo ka soo baxay Mr Umar.

Madaxweynaha Nigeria Muxamadu Buhari ayaa wacad ku maray inuu waddankaas ka baabi'in doono falalka musuq maasuqa iyo dadka sharciga ka sarreeya.