Cabdi Qeybdiid oo ammaankiisa u baqaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdi Qeybdiid oo ammaankiisa u baqaya

Gudoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa sheegay in 33 maalmood kadib weerarkii gurigiisa lagu qaaday aanay jirin cid sharciga loo hor keenay si loogu qaado dacwad.

Cabdi Qaybdiid ayaa si cad ugu eedeeyay weerarka gurigiisa lagu qaaday inay ka dembeeyeen sirdoonka dawladda Imaaraadka oo uu sheegay inay adeegsanayeen ciidamo Soomaali ah.

Senator-ka oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay inuu qabo welwel ku aadan amaankiisa. Shirkaasi markii uu dhamaaday ayuu u waramay weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aaden.