Esmond Martin oo ahaa nin baara ka ganacsiga foolasha Maroodiga oo Kenya lagu dilay

Esmond Bradley Martin waxaa lagu dilay gurigiisa oo Kenya ku yaalla Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Esmond Bradley Martin waxaa lagu dilay gurigiisa oo Kenya ku yaalla

Mid ka mid ah baarayaasha hormuudka ka ahaa baaritanada ka ganacsiga sharci darada ah ee foolasha Maroodiga iyo geeska wiyisha ayaa lagu dilay dalka Kenya.

Esmond Bradley Martin, oo 75 jir ahaa ayaa Axaddii waxaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Nairobi isga oo ay qoorta kaga yaalo dhaawac mindi ah.

Martin oo ahaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa daryeelka wiyisha ayaa waxa uu caan ku ahaa in si qarsoodi ah uu ku ogaado qiimaha suuqayada madow ee foolasha Maroodiga iyo Wiyisha.

Ninkani oo ah muwaadin u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa uu dhawaan ka soo laabtay Myanmar oo uu cilmi baarid ka samaynayay.

  1. Xiridda suuqyada foolasha maroodiga oo lagu heshiiyay
  2. Waxyaabaha ku qarsoon hurdada maroodiga
  3. Feer ka dhacay baarlamaanka Koonfur Afrika

Bradley Martin ayaa ku guda jiray markii uu dhimanayay geedi socodka qoridda natiijadii baaritaankaasi, sida uu ku waramay wariyaha BBC ee Nairobi Alastair Leithead.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Bradley Martin waxa uu sanado badan baarayay ka ganacsiga sharci darada ah ee foolasha (Sawirkan waxaa la qaaday 1993)

Booliiska ayaa baaraya duruufaha ku xeeran dhimasahada Bradley Martin, balse waxa ay ka shakisan yihiin in uu ahaa dhac guuldaraystay.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in Bradley Martin uu muddo toboneeyo sano ah uu naftiisa halis u galiyay in si qarsoodi uu u sawiro oo uu qoraalo uga sameeyo foolasha Maroodiga iyo Wiyisha sida sharci darada ah loo iib geeyo.

Waxa uu markii ugu horeysay yimid Kenya 1970 markaasi oo uu samaynayay baaritaano ku aadan foolasha Maroodiga ee laga ganacsdo.

Dadaalka Esmond Bradley Martin ayaa gacan ka gaystay in dowladda Shiinaha ay mamnuucdo ka ganacsiga geeska Wiyisha sanaddii 1990.

Mowduucyada la xiriira