Magaalo ku taalla Suuriya oo 'lagu weeraray chlorine gaas'

Dad la keenay isbataalada Saraqeb oo ay dhakhaatiirta sheegeen in ay neefsashada dhibayso Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad la keenay isbataalada Saraqeb oo ay dhakhaatiirta sheegeen in ay neefsashada dhibayso

Sagaal qof ayaa laga daweeyay neefta oo ku xirantay ka dib markii bam la aaminsan yahay in ay ku jirto kimikada nooca Kalooriin lagu soo riday magaalo ay haystaan mucaaradka Suuriya , sida ay shaqaalaha cafimaadka sheegeen.

Waaxda difaaca rayidka ee Suuriya ayaa sheegtay in saddex ka mid ah shaqaalahooda gurmadka ay ka mid ahaayeen dadka ku waxyeeloobay weerarka oo ka dhacay Saraqeb, oo ku taalla gobolka Idlib.

Mucaaradka Suuriya ayaa waxay sheegeen in bamkani ay soo riday diyaarad ay leedahay dowladda Suuriya.

20 qof ayaa ku dhintay duqaymo kale oo ay gobolka Idlib ka fuliyeen dowladaha Ruushka iyo Suuriya.

  1. Qaramada Midoobay oo dowladda Suuriya ku eedeeysay weerar kiimiko ah
  2. Ruushka oo mar kale hor istaagay qaraar ku saabsan Suuriya
  3. Maraykanka oo weeraray Suuriya

Weerarkani ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii mucaaradka ay soo rideen diyaarad dagaal oo ay Ruushka lahaayeen halkaasi oo lagu dilay duuliyiihii waday.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shaqaalaha gurmadka oo baadigoobaya dadkii badbaaday weerarka ka dib

Dhakhtar u shaqeeya ururka midnimada daryeelka caafimaadka iyo gargaarka ee loo soo gaabiyo (UOSSM), ayaa BBC u sheegay in magaalada Saraqeb lagu weeraray laba barmiil oo Chlorine gas ay soo riday diyaarad ah nooca helikobtarka.

Waxa uu intaa ku daray in dadka isbataalada la keenay ay ka soo shiiraysay sunta Kalooriinka islamarkana ay neefta dhibaysay.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada la soo dhigay muuqaal muujinaya dhowr nin oo biyo lagu rushaynayo kuwaasi oo la daalaa dhacaya in ay neefsadaan.

Mowduucyada la xiriira