Maldives waxaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah

Xaalad deg deg ah aya alagu soo rogay dalka Maldives Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xaalad deg deg ah aya alagu soo rogay dalka Maldives

Dowladda Maldives ayaa soo rogtay xaalad degdeg ah muddo 15 maalmood ah. Kadib markii dalkaasi uu gallay xasarad siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladdan degdega ah ay ciidanka siinayso awood ay ku soo xiraan dadka laga shakisan yahay.

Dowladda ayaa kala dirtay baarlamaanka waxayna amartay in laga hortago tillaabo walba oo maxkamadda sare ay xukunka uga qaadayso madaxweyne Abdulla Yameen

Saacado yar ka dib markii lagu dhawaaqay xaaladda degdega ah ciidanka amaanka ayaa gallay dhismaha maxkamada sare.

Maxkamadda markii ay ciidanku gallayeen waxaa joogay xaakimiin. Balse afhayeen hadlay ayaa sheegay inuu la xiriiri karri waayay xaakimiinta.

Waxaa sidoo kale jira go'aan ku saabsan inaysan sharci ahayn dacwada loo haysto madaxweynihii hore Maxamed Nasheed oo sharcidaro lagu tilmaamay.

Waxaa isna shaqada laga eryey taliyihii booliska oo isagu sheegay inuu taageersan yahay go'aanka maxakamada.

Dowladdu Waxaa amar ku bixisay in la soo xiro labo xilibaan oo mucaaradka ah oo dhowaan dalkaasi Maldives ku soo noqday.

Eva Cabdullahi oo xubin baarlamaan ah ayaa sheegtay inay xaaladan degdega ah ee dowladdu ay soo rogtay ay muujinayso inaysan dowladdu haysan kalsoonida shacabka.