"Gabdhaha Soomaalida 98% ayaa loo guday habka fircooniga ah"

. Lahaanshaha sawirka MSHEP2/GETTY
Image caption .

Gudniinka fircooniga ayaa ah caado dhaqameed looga dhaqmo waddamo badan oo caalamka ah.

Dhulka ay Soomaalida dagto ayaa ka mid ah goobaha sida wayn looga isticmaalo gudniinka fircooniga ah.

Sanad waliba 6 bisha February waxaa la xusaa maalinta ka hortagga gudniinka fircooniga ah.

Waxaa maalinta loo isticmaalaa sidii dadka loogu baraarujin lahaa dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga ah.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada caalamka tirada ugu daban ee gabdhaha la gudo.

Dr Cabdiqaadir Weheliye ayaa sheegaya in qiyaasihii ugu dambeeyay ee la hayo ay muujinayso in Soomaaliya 98% gabdhaha la gudo.

Qaybaha gudniinka fircooniga

Gudniinka fircooniga ah ayaa waxaa ka dhasha dhibaatooyin caafimaad oo badan.

Dr Cabdiqaadir Weheliye ayaa waxa uu sheegay in gudniinka fircooniga ah uu keeno dhibaato dhaw iyo mid mustaqbalka fog ahba.

Dr Abdikadir Wehlye ayaa sheegay in gudniinka loo qaybiyo saddex qaybood oo kala duwan.

Qaybta kowaad iyo qaybta labaad ayaa ah mid ka sahlan qaybta sedexaad.

"Waxa ay sameeyaan ayaa ah in ay qalliin ku sameeyaan xubnaha taranka gabadha, kuwaasi oo loo qaybiyo qaybta kowaad,qaybta labaad iyo qaybta saddexaad "ayuu yiri Dr Weheliye.

Dr Wehlye ayaa sheegay in qaybta kowaad iyo qaybta labaad ay ka sahlan yihiin marka loo barbar dhigo qaybta sadaxaad.

"waxaa laga yaabaa in marka hore lagu bilaabo in la gooyo cadka dhexe ka dib na la gooyo bushimaha qaybta hoosi" ayuu yiri Dr Weheliye.

  1. Gabdhaha Bush oo waraaq u qoray gabdhaha Obama
  2. Ma asturnaantay eersadeen gabdhaha Muslimiinta ah ee Australia?
  3. Dhakhtar Maraykanka loogu haysto gudniinka gabdhaha

Qaybta saddexaad ee gudniinka fircooniga ah ayaa waxa ay tahay mid ugu daran islamarkana sidata dhibaato badan.

Dr Cabdiqaadir Weheliye ayaa sheegaya in qaybta saddexaad ay tahay midda lo yaqaano qodbidda ama tolmada.

"Qaybta fircooniga ee adag ayaa waxay tahay in marka gudniinka la sameeyo ka dib la jaraa bishimaha oo markaa la tolaa taana waxaa loo yaqaanaa qodob, gabadhiina waxaa loo reebayaa meel yar oo ay kaadida kaliya soo marto" ayuu yiri Dr Weheliye.

Dhibaatooyiinka ka dhasha gudniinka fircooniga.

Gudniinka fircooniga ayaa wax ka dhasha dhibaatooyiin badan oo soo gaara gabadha marka la gudo.

Dhibaatooyiinkan ayaa u qaybsan dhibaatooyiin dhaw iyo kuwa mustaqbalka Fog gabadha ku yimaada.

Dhibaatooyiinka koowaad ee gabadha la soo gudboonaada marka la gudo ayaa waxaa ka mid ah dhiigbax,iyo caabuq ka dhasha gudniinka.

"Kuwa dhaw markaan ka soo qaadano waxa ugu horreeya waxaa weeye in marka samaynayo(Gudniinka) in dhiigbax yimaado, marka labaad waa in ay caabuq qaaddo oo dhibaato badan ku abuurto iyo in sharidda la sharaayo ay dhibaatooyiinka dhanka kaadida keento" ayuu yiri Dr Weheliye.

Marka laga soo tago dhibaatooyiinka gabadha ku yimaada islamarka la gudo, waxaa jira dhibaatooyiin mustaqbalka fog ay kala kulanto gudniinka.

Dhibaatooyiinkan ayaa waxa ay yimaadaan sanado ka dib marka gabadha gudniinka lagu sameeyo.

Dhibaatooyiinkan ayaa waxa ay gabadha ku billaabmaan marka caadada ama dhiiga ay hesho iyo marka la guursado.

Gabdha lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah ayaa marka la guursado waxa qasab ah mararka qaar in xubinta tareenka la furo.

"Gabadha marka la guursado qasab ayay noqonaysaa in marka hore la jeexo oo la furo, mida labaad inta aan taa la gaarin waxaa imanaysa in gabadha markay qaangaadho ay caadada dhibto" ayuu yiri Dr Weheliye.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo aqoonta loo leeyahay dhibaatada caadadan ay korortay, ayaa haddane waxaa wali jira waalidiin tiro badan oo gabdhahooda u guda sida qaldan.

Maalintan xuska ka hortaga gudniinka fircooniga ah waxaa loogu talogalay in dadka laga wacyigaliyo dhibaatooyinka caadadan, hase yeeshee wali ma jiraan sharciyo ad adag oo ciqaab lagu muteysan karo marka gabadh lagu xad gudbo.

Mowduucyada la xiriira