Halkuu ku dambeyn doonaa mustaqbalka madaxweyne Zuma?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Halkuu ku dambeyn doonaa mustaqbalka madaxweyne Zuma?

Wararka ka imanaya dalka Koonfur afrika ayaa sheegaya in haatan madaxweyne Jacob Zuma uu diyaar u yahay inuu dhagaysto baaqyada loogu sheegayo inuu xilka ka dego waa hadii la isla ogolaado shuruudaha laga wadahadlayee.

Mudo isbuuc ku dhow ayaa la isku mari la'aa xaalka Jacob Zuma oo mustaqbalkiisa siyaasadeed uu laadlaado.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno waxa lagu haysto Zuma ayaa waxaannu la xiriirnay Caamir Sheekh Xuseen oo ah aqoonyahan deggan Koonfur Afrika waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo marka hore waydiiyay, muxuu salka ku hayaa ololahan ugu dambeeyay ee dhanka ah Zuma?