BBC waxay su’aalahaada weeydiinaysaa Madaxweyne Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, idaacadda BBC Somali ayaa waxa ay sanad guurada koobaad ku xuseysaa wareysi gaar ah oo ay la yeelanayso madaxweynaha.

Markii ugu horeysay waxa ay dhagaystayaasha, akhristayaasha iyo daawadeyaasha ay soo gudbin karaan su'aalaha ay madaxweynaha u qabaan, BBC Somali waxay su'aalahaas hordhigaysaa madaxweynaha.

Wareysiga madaxweynaha ayaa waxaa laga dhagaysan doonaa idaacadda galabnimo ee laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da maalinta Jimcaha ah, taariikhdu tahay 9-ka bisha feberaayo, 2018 oo ku beegan maalin kaddib markii xildhibaannada ay doorteen madaxweynaha.

Waxaa waraysiga barbar socon doona dood looga hadlayo waxqabadka dowladda iyo caqabadaha jira sanadkii koowaad ee ay xilka haysay. Waxaa sidoo kale aan fursad siin doonaa in la dhagaysto aragtida dadweynaha oo ay ka midyihiin dadkii dabaaldegyada sameeyay bishii feberaayo 2017-kii markii uu guuleystay Farmaajo.

Waxaan ku wargalinaynaa dadka nagala socda baraha bulshada in maalinta 8-da bisha, habeenimada laga bilaabo 9pm fiidnimo in madaxweynaha uu si toos ah uga jawaabi doono su'aalahooda, lagana baahin doono si toos ah barteena Facebook.

Dooddan waxaa laga baahin doonaa raadiyaha BBC-da, Barta Facebook ee BBC Somali iyo waliba Telefishonnada aan aan wada shaqaynta leenahay sida SBC TV, Horn Cable, Kalsan TV, iyo Star TV.

Image caption Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq, Tifaftiraha laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da

Cabdullahi Cabdi, tifaftiraha laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxa uu leeyahay "Doorashadii Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa ay ahayd dhacdo weyn oo isbaddel ku keentay siyaasadda Soomaaliya. Muqdisho waxaa ka dhacday rasaas dabaaldeg ah iyo damaashaad badan. Tani waa fursad lagu ogaan karo in xaaladdu ay sidii tahay, waxaanan toos ula hadlaynaa madaxweynaha oo aan wax ka weeydiinayno sida loo arko hoggaankiisa".

Mowduucyada la xiriira