Heshiis la dhaxdhigay labo beelood oo dagaalamayay muddo kudhow soddon sano
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiis la dhax dhigay labo beelood oo isdagaalaayay muddo kudhow Soddon sano

Magaalada Balanbale waxaa shalay ku heshiiyay laba beelood oo halkaa wada dega oo muddo aad u dheer halkaasi ku dagaalamayay.

Heshiiskan ayaa waxaa soo agaasimay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Galmudug, waxaana u jeedadu ay tahay in colaadda labadaasi beelood oo galaafatay nolasha dad badan laga gaaro heshiis kama dambeys ah.

Sanadkii 1997 ayaa heshiis noocan oo kale ah la gaaray waxaana heshiiskaasi uu gacan ka geystay in xoogaa la isu soo dhawaado.

Haddaba heshiiskani hadda la gaaray muxuu kaga duwanaan doonaa kuwii hore, su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu hordhignay suldaan Cabdinaasir Xasan iyo nabad-doon Maxamed Daahir Rooble.

Xasan Cali Geele ayay u warameen, waxaana ku horreynaya Nabad-doon Maxamed Daahir Rooble.