Qaramada Midoobay oo aqabshay codsi uga yimid K/Koonfureed

Xigashada Sawirka, AFP
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u ogolaaday Choe Hwi oo ah sargaal Kuuriyada Wuqooyi u dhashay islamarkana ka mid ahaa sarakiishii cunaqabataynta la saaray in uu u safro Kuuriya Koonfureed.
Sargaalkan ayaa ka mid ah ergada Kuuriyada Wuqoyi ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Olambikada ee xilliga qaboobaha.
Waxa sidoo kale ergada Kuuriyada Wuqooyi ka mid ah gabadh la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi.
Kuuriyada Koonfureed ayaa warqad ay u dirtay golaha ammaanka si sargaalkan loogu ogolaado in uu soo safro Kuuriyada Wuqooyi.
Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in booqashada ergada Kuuriyada Wuqooyi ay gacan ka gaysanayso dajinta xiisadda gacanka Kuuriya.
Choe Hwi ayaa ah sargaalka xisbiga ka taliyaha Kuuriyada Wuqooyi u qaabilsan dhanka dacaayada iyo borobagandhada.
Waa sargaalka kali ah ee Kuuriyada Wuqooyi ay u soo dirtay Kuuriyada Koonfureed kaasi oo ku jira liiska saraakiisha cunaqabataynta ay ku soo rogtay Qaramada Midoobay.