Madaxweyne Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay BBC
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay BBC

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan dhameystay sanadkiisi ugu horreyay tan iyo markii uu xukunka dalka la wareegay Febraayo sanadkii la soo dhaafay ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya dalka Soomaaliya.

Haddaba qeyb ka mid ah wareysigaasi ayuu madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga hadlayaa ciidamada Soomaalida ee ay taageraan waddamada shisheeye, dagaalka ay dowladdiisu kula jiro xarakada Al-Shabaab iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka geystaan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Madaxweynaha oo u waramay weriyaha BBC-da Calinuur Salaad ayaa ugu horreyntii waxa uu ka hadlayaa sanad kaddib waxa uu ku qiimeynayo wax qabadkiisa.

Mowduucyada la xiriira