Dowladda Suuriya oo sii xoojisay duqaymaha ay ka wado goobaha mucaaradka

Duqaymaha ayaa ka dhacaya magaaladda Ghouta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duqaymaha ayaa ka dhacaya magaaladda Ghouta

Diyaaradaha dowladda Suuriya ayaa maalinkii shanaad duqaymo la bartilmaameedsaday bariga magaalada Ghouta oo u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq.

Duqaymahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aadan in dagaalka la soo afjaro.

magaalada Ghouta oo ay mucaaradka haystaan ayaa la go'doomiyay , waxaana gabaabsi ah cunnada ,biyaha iyo daawooyiinka.

Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhintay intii ay duqaymaha dowladda socdeen.

Goobo kale oo ka tirsan gobolka Idlib ayaa sidoo kale duqaymaha lala bartilmaameedsaday.

Faransiiska ayaa ugu baaqay Ruushka oo taageera dowladda Assad in ay xukuumadda Dimishiq ugu baaqaan in ay joojiso tillaabooyiinka ay wado.

Maalinkii khamiist ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan ay yeesheen waxa ay Ruushka wax aan suuragal ahayn ku tilmaameen baaqyada xabad joojinta.

Mowduucyada la xiriira