Kooxda mucaaradka FARC oo hakisay ololihii ay doorashada ugu jireen

Xigashada Sawirka, Reuters
Rodrigo Londoño, oo loo yaqaano Timochenko waa musharaxa madaxwaynanimada FARC
Kooxdii hore ee mucaaradka Colombia ee FARC,ayaa waxa ay joojiyeen ololihii ay ugu jireen doorashada madaxwaynanimada iyo baarlamaanka ee bisha soo socota lagu wado in dalkaasi ay ka dhacday.
Mucaaradka FARC ayaa waxa ay sheegeen in musaharxiintooda ay la kulmeen hanjabaado.
Saraakiisha FARC ayaa waxay sheegeenin hakinta ololahooda ay sii socon doonto ilaa dowladda ay siinayso waxa ay ugu yeereen damaana qaad buuxa oo ku saabsan ammaanka musharaxiintooda.
Mucaaradka FARC ayaa lagu wadaa in ay isniinta la kulmaan taliyaha booliiska dalka Colombia si ay arrintani uga wada xaajoodan.
Saraakiisha FARC ayaa waxay ku hanjabeen in ay maxkamad la tiigsan doonaan siyaasiyiinta muxaafidka ah oo ay ku eedeeyeen in ay hurinayaan rabshado ka dhan ah musharaxiintooda.
Kooxda mucaaradka ee FARC ayaa heshiis nabadeed la saxiixtay dowladda Colombia 2016 ka dib muddo ka badan nus qarni oo ay dagaal jabhadeed ku jireen.