Ergada ciyaaraha Olimbikada K/Woqooyi oo Koonfurta aad loogu soo dhaweeyay

korea war Lahaanshaha sawirka Reuters

Magaalada Pyeongchang ee Kuuriyada Koonfureed waxaa ka furmay tartanka ciyaaraha Olimbikada waxaana kooxaha ka qeybgalaya ka mid ah kooxaha waddamada labada Kuuriya.

Labadani kooxood ayaa furitaanka ciyaarahani waxa ay siteen hal calan oo kaliya.

Dadka waxaa ku dhex jiray saraakiil sar-sare oo ka socotay Kuuriyada Woqooyi oo ay ahayd booqashadii u horeysay ee koofurta ay ku tageen tan iyo dagaalkii gacanka Kuuriya.

Madaxweynaha Kuuriayda Koonfureed ayay is-gacan-qaadeen gabadha ay walaalaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi.

Hase ahaatee marti qaad rasmi ahaa oo uu madaxweynaha Kuuriayda Koonfureed u sameeyey marti sharaftii ayaa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence wuxuu diiday in ay isku miis fariistaan ergadii ka socotay Kuuriyada Woqooyi.

Xafladda furitaanka oo ku beegantay xilli qabow ba'an oo aan caadi ahayn uu dhacaya ayaa munaasabadii waxay soo jiidatay dad fara badan oo mar kaliya u sara-kacay rayn rayn darteed markii la saaray calanka buluuga iyo cadaanka ah ee mideynta Kuuriya.

Tartanka xilliga qaboobaha ee ciyaaraha fudud ee Olimbikada wuxuu jimcihii si rasmi ah ugu furmay xaflad lagu soo bandhigay dab-rid indhasarcaad leh oo aad u qurux badan oo lagu ammaanay midnimada ay muujiyeen reer Kuuriya.

Haddaba isa-soo dhaweynta labada Kuuriya iyo sida ay wax u socdaan ayaa khubarada arrimaha gobolku waxay leeyihiin diblomasiyadan siyaasadda ma aha mid soo af-jaraysa xiisadda gobolka.