Geedka Yicibta oo dib loogu beerayo qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Geedka Yicibta oo dib loogu beerayo qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Geedka Yicibta ama Jicibta ninba sida uu u yaqaan oo waxtarkiisa cilmiyan la xaqiijiyey dad iyo duunyaba ayaa waxa uu ka sii suulaya meelo ka mid ah dhulka Soomaalida.

Geedkani ayaa ah geed abaareed oo xilli kastaa caleentiisu qoyantahay gu' iyo jilaalba.

Qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa ka soconaya barnaamij ujeedadiisu tahay sidii geedkan Yicibta dib loogu beeri lahaa dhul uu hore uga bixi jiray, waxaana arrintaasi wada jaamacadda Jigjiga.

Dr Muuse Maxamed Yuusuf waa madaxa qaybta beeraha iyo xoolaha ee jaamacada jigjiga, wuxuuna shahaadada PHD-ga ku qaatay geedkan Yicibta, haddana waxa uu ka mid yahay dadka ku hawlan dib u beeridda geedkan si waxtarkiisu meelo badan iyo dad badan uu u gaaro.

Dr Muuse waxa uu arrimahaasi uga waramay weriyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.