Kooxda Boko Haram oo siidaysay dad ay afduub u haysteen

Madaxwayne Buhari Lahaanshaha sawirka .
Image caption Madaxwayne Buhari

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in kooxda mintidka ah ee Boko Xaraam ay siidaayeen 13 qof oo ay afduubteen bishii July.

Dadka la siidaayay ayaa waxaa ka mid ah tobon haween oo la afduubtay xilli weerar lagu qaaday kolonyo gawaari booliis ah.

Waxaa sidoo kale ka mid ah saddex maclin oo laga afduubtay magaalada Maiduguri xilli ay ku jireen safar baaritaano shidaal ah.

Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxwayne Muhammadu Buhari ayaa lagu sheegay in dadkani la sii daayay ka dib wadaxaajood ay garwadeen ka ahaayeen gudiga caalamiga ah ee laanqayrta cas.

Bilooyinkii ugu dambeyay boqolaal qof ah ayaa la sii daayay amaba laga soo badbaadiyey gacanta Boko Xaraam.

Ciidamada militariga Nigeria ayaa weerar culus ku haya ururka waxayna la wareegen xarumo muhiim ah oo ku yaalla kaynta Sambisa.

Balse sii daynta saddex iyo tobbankan qof ayaa loo arkaa guul muhiim ah.

Sanad ka hora yay Dowladda Nigeria ku dhawaaqday in farsamo ahaan laga guulaystay kooxda Boko Xaraam.

Mowduucyada la xiriira