Shir socdaalka gobolka looga hadlayo oo Muqdisho lagu qabtay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir socdaalka gobolka looga hadlayo oo Muqdisho lagu qabtay

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay shir wadatashi ah oo soconaya mudo afar maalmood ah kaasoo looga hadlayo sidii dalalka IGAD si xor ah la isaga gudbi lahaa fiise la'aan. Shirka oo ah mid la tashi lagala samaynayo Soomaalida sida ay u arkaan fikirka isu gudubka xorta ah dalalka IGAD ayaa waxa lagu martiqaaday xubno ka socda bulshada raydika iyo maamul goboleedyada.

Shirka inta uu socdo waxa soo jeedimo ka jeedin doona oo aragtidooda ku biirin doona dhinacyada ka qaybgalaya.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo kamid ah dadkii lagu martiqaaday shirkaasi ayaa waraystay madaxa mashaariicda caafimaadka ee urur goboleedka IGAD isla markaana kamid ah saraakiisha IGAD ee shirkan qaban qaabisay Dr Axmed Xasan Axmed, weriyuhu wuxu marka hore weydiiyay muhiimadda shirka.