Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Ruushka

Xigashada Sawirka, Reuters
Burburka diyaarada oo la helay
Wararka ka imaanaya dalka Ruushka ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 71 qof ay burburtay waxyar un kaddib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee magaalada Moscow.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtaya in Diyaaradaas ay laheyd shirkadda diyaaradaha ee Saratov .
Xigashada Sawirka, EPA
sawir hore ee diyaarad burburtay
Radaarka diyaarada kadib marki ay ka ambabaxday Moscow
Diyaaradan oo noocedu yahay Antonov-148 ayaa u safraysay magaalada Orsk ee xadka Ruushka u la wadaago dalka Kazakhstan.
Waxaa lagu soo waramay in Diyaarada ay ku dhacday meel u dhaw Argunovo oo sideetan kiloomitir kaga began koonfur bari ee magaalada Moscow.