Libaaxyo cunay nin iyaga ugaarsan rabay

Libaax Lahaanshaha sawirka CAMERON SPENCER/GETTY IMAGES

Raxan libaaxyo ayaa hilibkiisa feentay nin ugaarsade ah dalka Koonfur Afrika, waxa kaliya ee ay ka tageena waa madaxiisa, intii kale ee jirkiisa waa ay cuneen.

Dhacdada waxa ay ka dhacday kaynta xayawaanka ee Kruger ee dalka Koonfur Afrika taas oo ah tan ugu weyn Afrikada Koonfureed, islamarkaasna ay wadaagaan dhawr dal oo xudduud leh .

Afhayeen u hadlay booliiska Koonfur Afrika Moatshe Ngoepe ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in ninka ay libaaxyada cuneen uu ahaa nin ugaarsade ah, si kadisna ahna ay libaaxyada usoo weerareen.

Balse wali booliiska ma aysan shaacin magaca ninka la cunay iyo dhalashadiisa.

Koonfur Afrika waxaa taga dad mihnad ka dhigtay ugaarsiga, kuwaas oo daafaha adduunka ka kala yimid.

Dhawaan waxaa jiray nin ugaarsade ahaa oo u dhashay dalka Croatia ayaa ku dhintay rasaas uu riday nin kale oo la socday oo isagana ugaarsade ah, rasaastaas oo loo waday xayawaan ay dilayeen.

Sababta ugu weyn ee libaaxa loo ugaarsado ayaa ah in lafahiisa iyo xubnihiisa kale ay qaali ka yihiin dalal Aasiya ku yaala oo laga cuno.

Mowduucyada la xiriira