Kim Jong-un oo ammaanay Kuuriyada Koonfureed

Photo of the North Korean delegation and Mr Kim Lahaanshaha sawirka KCNA
Image caption Sawirka wafdiga Kuuriyada Waqooyi ee booqday Kuuriayda Koonfureed oo la taagan hogaamiyahooda Mr Kim

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo '' jawiga dib u heshiisiineed'' ee ay abuurtay Kuuriyada Koonfureed oo martigalineysa ciyaaraha qabobaha ee Olimbikada.

Kim Jong-un ayaa Kuuriya Koonfureed ku amaanay ku martigalinta waddankisa ciyaaraha ka dhacay Pyeongchang.

Wafdiga ka yimid waqooyiga oo ka qeybgalay furitaanka ciyaaraha ayaa waxaa hogaaminaayey gabadha la dhalatay Kim Yo-jong waxayna hadda ku laabteen waddankooda .

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Mareekanka uu ufuranyahay in ay wadahaddla la yeeshaan Kuuriyada Waqooyi.

Ka qeybgalka Kuuriyada Waqooyi ee ciyaarahan ay martigleineysa Kuuriyada Koonfureed syaa loo arkay inay dardar gelineysa xiriirka labada dal.

Kim Jong-un walaashiis oo booqanaysa Kuuriyada Koonfureed

Gabadha uu dhalay Trump iyo tan la dhalatay Kim Jong-un oo meel isugu tagaya

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Booqashada haweenaydan oo ay walaal yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ahayd hadal hayska ugu badan ee ciyaaraha Soel

Booqashada Kim iyo Kim Yong-nam ayaa ah tii ugu horreysay oo ay xubna ka socdo Kuuriyada Waqooyi ku tagaan Kuuriyada Koonfureed tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii labada Kuuriya sanadkii 1950-kii.

Labada Kuuriya waligood si rasmi ah uma saxiixan heshiis nabadeed markii uu dhamaadey dagaalkaasi.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Hase yeeshe,Sabtidii haweeneyda lagu magacabo Kim waxay gudoonsiisay warqad Madaxweye Moon oo ka timid walaalkeed ,isagoo ku casuumayaa in uu soo boqdo Pyongyang.

Haddii uu kulankaasi qabsoomana ,waxay noqonaysa markii ugu horreysay oo hogaamiyayaasha labadda Kuuriya ay kulmaan.

Mowduucyada la xiriira