Muxuu ku haminayaa Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu ku haminayaa Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda?

Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xilkaasi loo doorto kaddib sanado badan oo uu halkaasi ka shaqeynayay.

Garsoorahan caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdul-Qawi Axmed Yuusuf, oo ku soo barbaaray kuna waxbartay Soomaaliya ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu maalin un dib ugu laabto dalkiisa si waxa uu bartay uu dadkiisa uga faa'iideeyo.

Cabdul-Qawi Axmed oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in xilka loo doortay aanay kaligii sharaf u aheyn ee ay tahay mid Soomaalida oo dhan u soo hooyatay. Garsoore Sare Cabdulqawi waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato.