Gudigii gurmadka qaraxii Soobe oo lacago ku wareejiyeen 81 qof
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudigii gurmadka qaraxii Soobe oo lacago ku wareejiyeen 81 qof

Iyadoo maanta afar bilood laga joogo qaraxii Soobe ee lagu dilay dadka kor u dhaafaya shanta boqol ee qof ayaa gudigii gurmadka ee loo sameeyay inay caawiyaan dadka waxyeeladu soo gaartay waxay maanta lacago ku wareejiyeen 81 qof oo u badan waalidiintii dadkooda ku waayay qaraxaasi.

Gudiga ayaa sheegay inay todobaadka dambe soo gabagabayn doonaan hawllihii gurmadka ahaa ee ay mudadaasi soo hayeen iyagoo intaa ku daray in lacag kabadan afar milyan oo doolar ay soo gaartay, inteedii badnaydna ay bixiyeen.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aadan ayaa waraystay gudoomiyaha gudiga Cabdillaahi Maxamad Shirwac wuxuna marka hore weydiiyay lacagaha ay maanta bixiyeen iyo cidda ay siiyeen.

Mowduucyada la xiriira