Taariikh nololeedka Zuma oo kooban
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taariikh nololeedka Zuma oo kooban

Taariikh nololeedka Zuma oo kooban

  • April 1942: Wuxuu ku dhashay gobolka KwaZulu-Natal, Waxaana soo korisay hooyadii, mana uusan helin waxbarasho rasmi ah
  • 1959: Wuxuu ku biiray ANC. Wuxuu ka mid noqday garabka milatariga ee ANC 1962
  • August 1963: Isagoo 21 sano jir ah ayaa la dhigay xabsiga markii lgu helay dambi ah inuu maleegayay afgmebiga dowladdii midab takoorka waxaana lagu xiray xabsiga caanka ah ee Robben Island halkaas oo uu Nelson Mandela kula xirnaa muddo 10 sano ah.
  • March 1990: Ka dib markii uu muddo dibadd ku maqnaa ayuu dib u soo laabtay, waxaana markaasi mamnuucidda laga qaaday xisbiga ANC. Waxaana loo doortay guddoomiye muddo 4 sano ah.
  • June 1999: Shan sano ka dib markii uu dhammaaday xukunkii midabtakoorka wuxuu noqoday madaxweyne ku xigeen . Xilkaas ayaa laga qaaday 2005.
  • April 2009: Laba isbuuc uun ka dib markii eedeymihii musuqa ee loo haystay daaqadda laga tuuray, Zuma wuxuu noqday madaxweynaha Koonfur Afrika.
  • October 2017: Maxkamadda racfaanka ee ugu sarreysay dalkaasi ayaa amartay in Zuma lagu soo oogo 18 dacwadood oo la xiriira musqmaasuq