Taariikh nolaleedka Morgan Tsvangirai

Morgan Tsvangirai Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Morgan Tsvangirai hogaamiyihii mucaaradka Zimbabwe

Morgan Tsvangirai ayaa ahaa hogaamiyaha rasmiga ah ee mucaaaradka Zimbabwe tan iyo xorriyadii.

Waxa ugu wayn ee alle uu ku manaystay waxa uu ahaa geesinimada.

Waxa uu naftiisa halis u galiyay in uu hor istaago xukunkii kalitalisnimada ee Robert Mugabe iyo ciidamadii ammaanka ee bahwadaaga la ahaa.

Laba jeer ayaa si xun loo garaacay islamarkana saddex mar ayaa lagu soo oogay dacwado ahayd khiyaano qaran.

Iyada oo ay dhammaan arrimahani jiraan ayaa waxaa uu sii waday halgankiisa.

Tsvangirai ayaa loo dhaariyay rai'sul wasaaraha Zimbabwe , balse waa ay u suuragali waysay in uu ku tallaabsado wax hormar ah oo la taaban karo.

Hasa yeeshee waxa uu door ka ciyaaray in wadada loo xaaro in xukunka laga tuuro Mugabe 2017.

Morgan Richard Tsvangirai ayaa waxa uu ku dhashay Gutu ee degaanka Koonfurta Rhodesia 10 March sanaddii 1952 , waxa uuna ka mid ahaa 9 caruur ah oo uu dhalay aabe fuundi ahaa.

  1. Waa kuma yaxaaska soo rogaalceliyay ee Zimbabwe?
  2. 'Dimuqraadiyad cusub oo ka curatay' Zimbabwe
  3. Milatariga Zimbabwe: Mugabe xidhiidh ayuu la leeyahay ku xigeenkiisii hore

Waxa uu isaga tagay iskuulka, balse markii dambe waxa uu u wareegay dhanka macdan qodida oo uu ka samaynayay degaanka Bindura, oo 50 mayl dhanka wuqooyi bari kaga beegan Harare.

Tsvangirai waxa uu ka dib ku lug yeeshay howlaha ururada rayidka isaga oo loo doortay madax ururka qaran ee ay ku bahoobeen shaqaalaha macdan qodayaasha.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Zimbabwe

Markii Zimbabwe ay xorriyadeeda heshay sanaddii 1980 waxa uu ku biiray xisbiga Mugabe ee Zanu-PF waxa uuna noqday sargaal sare oo tirsan.

Dabayaaqaddii sanaddii 1980 waxa uu noqday madaxa ururka shaqaalaha oo la dhisay xorriyaddii ka dib .

Tsvangirai ayaa ugu dambayntii noqday hogaamiyaha mucaaradka Zimbabwe.

Bishii December sanaddii 1997 iyo horraantii 1998 waxa uu Tsvangirai horkacayay shaqa joojino is daba joog ahaa taasi oo looga soo horjeeday kordhinta canshuurta.

  1. Xaaska Mugabe oo Zimbabwe ku laabatay iyadoo tacaddiyo loo haysto
  2. 'Dimuqraadiyad cusub oo ka curatay' Zimbabwe
  3. Mugabe oo markii u horaysay taageeray Trump

Arrintan ayaa dowladdii Mugabe ku qasabtay in ay meesha ka saarto canshuur kordhinta.

Asaasidii xisbiga MDC

Sanaddii 1999 ayaa waxa si lama filaan ah uu u asaasay xisbigia Movement for Democratic Change (MDC), kaasi oo soo jiitay jiil badan oo dhalinyaro ah.

Tsvangirai ayaa marar badan ka qaybgalay doorashooyiinkii guud ee Zimbabwe balse ku guuldaraystay.

Doorashaddii guud ee la qabtay 2000 ayaa waxaa xisbiga cusub ee MDC ay wiiqeen awooddii xisbiga Zanu PF ka dib markii ay ku guulaysteen 57 ka mid ah kuraasta baarlamaanka , halka xisbiga Zanu PF ay ku guulaysteen 62 kursi.

Tsvangirai ayaa marar badan xabsiga la xiray, sanaddii 2003 ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii uu Mugabe uu ku eedeeyay in cagajuglayn iyo rabshado uu isticmaalayo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tsvangirai ayaa marar badan xabsiga la dhigay

29 March 2008, xilli wali ay xisbiga MDC kala qaybsan yihiin ayaa waxaa dalka Zimbabwe laga qabtay doorasho madaxwayne iyo mid baarlamaan.

Natiijadii doorashadaasi ayaa muddo bil ah aan la shaacin iyada oo ay jirtay eedeeyn ahayd in dowladda ay isku dayayso in ay doorashada ku shubato.

Guddiga doorashada Zimbabwe ayaa dib u tiriyay codadkii la dhiibtay islamarkana waxa ay sheegeen in cidna aysan ku guulaysan oo aysan helin intii la rabay oo ahayd 50%, waxaana la amray in doorashada wareeg labaad la galo.

Markii ay doorashada ka harsanayd maalmo ayaa waxa tartanka isaga baxay Tsvangirai oo sheegay in aysan suuragal ahaayn doorasho xaq iyo xor u dhacda.

Dib u midoobidii Tsvangira iyo Mugabe

Bishii July 2008 Tsvangirai ayaa markii ugu horreysay la kulmay Mugabe muddo toboneeyo sano ah , waxa ayna ka wada xaajoodeen dowlad awood qaybsi ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mugabe iyo Tsvangirai oo kulmaya

Bishii February 2009, ayaa Tsvangirai waxaa loo dhaariyay ra'isul wsaare.

Iyada oo ay jirto heshiiskan ayaa hadanna mugabi waxa uu sii ahaa mid leh awoodda ugu badan.

Mowduucyada la xiriira