Somaliland: Xog ku saabsan barnaamijka baro oo qiimee muwaadinkaaga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Xog ku saabsan barnaamijka baro oo qiimee muwaadinkaaga

Magaalada Hargeysa, koox mutadawiciin ah oo muddo laba sano ah soo waday barnaamij ay u bixiyeen "Baro oo qiimee muwaadinkaaga danta guud wax ka soo qabtay 25kii sano ee u danbeeyay" ayaa waxa uu gudoomiyaha kooxdaasi Rashiid Sulub Caalin ku dhawaaqay inay soo gebogabeeyeen qiimaynta in ka badan boqol qof oo ay dadweynuhu u soo codeeyeen.

Rashiid Sulub Caalin wuxuu faah-faahin ka bixiyay caqabadaha ay la kulmeen inta barnaamijkani soo socday isagoo cadeeyay in dad ka badan konton kun oo qof ay baraha bulshada ay ku wada xiriirto uga qeyb qaateen u codeynta shakhsiyaadkaasi, iyadoo qofkastana lagu qiimeynaayay waxa uu bulshadiisa u qabtay.

Rashiid Sulub Caalin wuxuu u warramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige

Mowduucyada la xiriira