Madaxweyne Ramaphosa ma mideeyn doona xisbiga kala qeybsamay ee ANC?

Madaxweyne Ramaphosa ma mideeyn doona xisbiga kala qeybsamay ee ANC?

Madaxweynaha cusub ee waddanka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in mudnaanta uu siin doono sidii uu ula dagaalami lahaa masuq maasuqa.

Mr Ramaphosa ayaa waxa uu badelay Jacob Zuma kaas oo wajahaya eedo musuq maasuq xilkana banneeyay habeenkii Arbacada, waxa uuse sheegay inuusan wax khalad ah sameyn.

Cyril Ramaphosa oo ah hantiile guul ka gaaray ganacsigiisa ayaa xisbiga ANC hogaaminayay tan iyo bishii Diseembar.

Waxa uuse dhaxlayaa dhaqaale kufaa dhacaya iyo xisbiga oo qeybsan.

Haddaba xisbigiisa ANC ee kala qeybsan dib u mideyn doonaa? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu waydiinnay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo hadda jooga waddanka Koonfur Afrika, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa ay yihiin caqabadaha horyaal Ramaphosa?