Kumannaan isugu soo baxay baroordiiqda dadkii lagu laayay Falorida

dadka weerarka ku geeriyoday
Image caption dadka weerarka ku geeriyoday

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxday iskuulka ay toogashada ka dhacday ee ku yaalla magaalada Parkland ee gobolka Florida.

Dadkan oo watay shumacyo iyo waxyaabo kale oo ay ku muujinayaan sida ay ugu xunyihin dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Dhanka kale, maalin kadib markii weerar lagu qaaday meel iskuul ah oo ay ku dhinteen 17 qof, ayaa xisbiga Dimuqraadiga waxa ay dhaleeceyn usoo jeediyeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo afhayeenka Aqalka Congresska oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Paul Ryan , waxayna ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen xakameynta hubka.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay toogashadan ayaa sheegay in badqabka iskuulaadka iyo caafimaadka maskaxda uu siin doono mudnaan ballaaran.

Mowduucyada la xiriira