Soomaali xabsiga lagu waxyeeleeyey Maraykanka

. Lahaanshaha sawirka .

Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Maraykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada dalka Maraykanka ayaa loo geystey jirdil.

Nin lagu magacaabo Maxamed BBC oo u ololeeya xuquuqda Soomaalida ayaa ka waramay dhalinyaradan oo si sharci darro ku galay Maraykanka, marna la damcay in lagu celiyo Soomaaliya, wuxuuna yiri "Soomaalida waxa ay ku xirnaayeen labo xabsi oo ku yaala Florida, mid ka mid ah oo lagu magacaabo Galdeys ayaa waxaa ka dhacay tacadiyo, dhalinyaradaas waxa ay ka cabanayeen nadaafad daro, kadibna waxaa lagu buufiyay sunta indhaha, dhaawacyo badan ayaa loo geystay, markii ay arrintaasi dhacday garyaqaanadii ayaa gaaray maalintii sabtida, kadib saacado badan ayaa lagu celiyay irida si dhaawacyada looga qariyo".

Dhalinyaradan oo qaarkood lugaha ka jabeen, qaarkoodna ay soo gaareen dhaawacyo , sida uu sheegay Maxamed ayaa waxaa la geeyay isbitaal, halkaas oo lagu dabiibay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Xaaladda dhalinyaradda Soomaaliya ah ee ku xiran xabsiyadda Maraykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Codbixinta dhici doonta Talaadada waxaa lagu wadaa inay codkooda ka dhiibtaan dad waayeel

Garyaqaano u doodaya dadkan ayaa dacwad geeyay maxkamad, taas oo soo saartay amar afar qodob ka kooban sida uu markale sharaxayo Maxamed "Afar qodob ayuu soo saaray xaakimka, kan koowaad waa in laga soo raro xabsigaas, lana galiyo mid laanta socdaalka ah, tan labaad waa in dacwadan loo gudbiyo wasaaradda caddaalada oo ay soo diraan guddi baaris ah, waxa kale oo uu amray xaakimka in dhaawacyada ay qabaan loo keeno warbixintooda oo daabacan, ugu dambeyntiina wuxuu amray in aanan dhalinyaradan lagu celin karin Soomaaliya".

Tan iyo intii uu Aqalka Cad fariistay madaxweyne Trump , Soomaali badan ayaa lagu celiyay Soomaaliya, arrintaas oo ah xaajo ugub ah, islamarkaasna aanan horay uga dhicin Maraykanka.

Mowduucyada la xiriira